Garoowe ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo dhoweeyay gogoshii uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo tilmaamay in laga maarmaan ay tahay in ay isku yimaadaan si loo xaliyo khilaafka ka dhex jira labada dhina.
Deni ayaa madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh, ka codsaday inuu ka dhabeeyo gogosha uu shaaciyay, isaga oo hoosta ka xariiqay in wixii horay u dhacay aga tago loona baahan yahay midnimo qaran.
“Madaxweynaha dowladda federaalka, waxa uu ku dhawaaqay in uu gogol u fidinayo dadka Soomaaliyeed, madaxweynaha waxaa ka codsanayaa inuu tallaabadaasi ka dhabeeyo, waayo dadka Soomaaliyeed maanta waxa ay u baahan yihiin midnimo qaran”, ayuu yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Deni.
Leave a Reply