London (Raxanreeb) — In ka badan 1,200 oo tahriibayaall ah oo la socday doon yar ah ayaa gaaray Britain muddo saddex maalmood gudahood ah, taas oo muujineysa in tirada soogalootigu ay gaartay heer aan horey loo arkin tan iyo sanadkii hore.
Wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa shalay xaqiijisay in 545 muhaajiriin ah ay gaareen UK iyagoo kasoo tallaabay Kanaalka Ingiriiska Isniintii kadib markii tira gaareeysa 703 qof ay yimaadeen Ingiriiska dabayaaqadii toddobaadkan.
Waxay la macno tahay in heerarka soogalootigu uu gaaray halkii ugu sareeysay tan iyo dhammaadkii November.
Ugu yaraan afar doon oo kale oo loo maleynayo in ay sideen ilaa 200 oo qof ayay maraakiibta ciidamada xuduuduhu keeneen Dover maalintii shalay.
Waxay kusoo aaday iyada oo Qaramada Midoobay ay ka digtay in 110 milyan oo qof guud ahaan adduunka dhan ay ka barakaceen guryahooda.