Xasan Sheekh ”majirto meel dagaalka Al-Shabaab dhexdhexaad looga noqdo

Muqdisho (Raxanreeb) —  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad ka jeediyay xeritaanka Shirkii Golaha wadatashiga Qaran ee ka socda Magaalada muqdisho ayaa marka hore u tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay qaraxyadii ka dhacay Soobe, isaga oo sheegay inay ku dadaali doonaan in Octoober kale uu qarax dhaco.Madaxweynaha oo ka hadlay arrimo dhowr ah ayaa sheegay in dalka Soomaliya uu kasoo guuray marxalad adag oo uu soo maray, balse hadda loo gudbay in Ummadda Soomaaliyeed ay ilaashaadaan karaamadooda, isla markaana ay la dagaalamaan cadawgooda.Waxa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in cid walba ay waajib ku tahay inay la dagaalaanto Al-Shabaa iyo Daacish, wuuuna sicad u sheegay in dowladda Federaalka aysan marnaab u ogolaan doonin in waa uu ugu yeeray argaagxisada ay kunoolaadana guud ahaan Soomaaliya oo uu kamid yahay dhulka buuraleyda ah ee degaannada Puntland.Ugu dambeyn Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in aysan jirin xilligaam meel dadka Soomaaliyeed ay dhex dhexaad uga noqdaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, isaga oo sheegay in si walba loola dagaalamayo Al-Shabaab & dadka taageera.

Leave a Reply

Your email address will not be published.