Xoghayaha SJS Cabdalle Muumin oo ku xanuunsanayo  xabsiga

Xoghayaha SJS Cabdalle Muumin oo ku xanuunsanayo  xabsiga

Muqdisho (Raxanreeb ) Saakay waxa aan xarunta Laanta danbi-baarista CID-da ee magaalada Muqdisho ku booqday Cabdalla muumin oo xalay NISA u wareejisay. Dabcan lama-ogaleen in Cabdalle la la kulmo oo lasoo booqdo, balse dadaal dheer kadib waxaa ii suurtogashay in aan u tago Cabdalle, si aan u soo ogaado xaaladiisa guud.

Waxaan u tagay Cabdalle oo aad u xanuunsanayaa, waxaana uu xanuunka ka dareemayaa isha bidax oo uu aad kaga sheeganaayo xanuunka ay ku hayso. Waxa uuna ii raaciyay in uusan helin cid xanuunkiisa ka dhagaysato, asiga oo walaac ka muujiyay sida ay xaaladiisa caafimaad u sii liidanayso.

Sidoo kale Cabdalle Muumin, waxa uu ii sheegay in uu u xiran yahay Agaasimaha NISA Mahad Salaad, Wasiir ku xigeenka Wasaardda Warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Abshir Bukhaari Iyo Maxamed Kaafi oo asna ka tirsan hay’adda NISA.

Soure : Mohamed Bulbul

Xoghayaha Warfaafinta SJS

Leave a Reply

Your email address will not be published.