4 Dhallinyaro oo ganacsato ah oo Muqdisho lagu dilay sabab laxiriirta Camerada CCTV.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Kooxo hubeysan oo wajiyada soo qarsaday, ayaa saakay xaafada Miisaanka Dhuxusha ee degmada Yaqshiid waxa ay ku toogteen afar nin oo dhallinyaro ah, kuwaa oo la sheegay in ay ka shaqeenayeen dukaaman halkaasi ku yaallay.

Sidoo kale, ragga hubeysan ee dilka geystay ayaa hal mar falka kawada fuliyay dhowr dukaan oo isku dhawaa, waxa ayna halkaasi ku toogteen dhallinyaro dukaamankaasi ka shaqeenayay, iyadoona goobta isaga baxsadeen ragga hubeysan markii ay falka geesteen.

Dhanka kale, Raggan la toogtay qaarkood ayaa lasoo tabinayaa in ay geeriyoodeen, halka kuwa dhaawac ahna loola cararay xarumo caafimaad oo lagu daweenayo, waxaana goobta toogashada ka dhacday gaaray ciidamo katirsan booliiska iyo nabadsugida.

Goobta toogashada ka dhacday ayaa waxaa buux dhaafiyay hooyooyin badan oo ooynaya, kuwaa oo sheegayay in dhallinyarada loo dhameenayo loona dilayo fulinta amarkii dowladda ee ahaa in ay kaamirooyin ku xirana goobahooda ganacsi, ayna dowladda ku fashilantay ilaalinta dadka la dilayo.

Ugudambeyn, dhallinyaradan saakay la toogtay oo aysan jirin cid ay dambi ka galeen ayaa kaliya loo dhibaateeyay in ay goobahooda ganacsi ku xreen kaamirada CCTV ee dowladda amartay, waxaana dowladda gabtay kaalinteeda ilaalinta amniga shacabka, iyadoona dowladda xireyso qofkii kaamirada iska saara.

Leave a Reply

Your email address will not be published.