DEG DEG : PUNTLAND & Jubbaland oo soo saaray go’aano xasaasi ah.

DEG DEG : PUNTLAND & Jubbaland oo soo saaray go’aano xasaasi ah.

Garoowe (Raxanreeb ) Magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland waxaa lagu soo gaba- gabeeyay shir maalmihii la soo dhaafay halkaas ay ku lahaayeen madaxda Puntland iyo Jubbland.

Labada hoggaamiye ee Axmed Madoobe iyo Saciid DENI ayaa shirkooda ka soo saaray dhawr qodob oo ay ku diidan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya , sida wax ka bedelka Dastuurka , doorashooyinka iyo arrimo kale.

Deni iyo Axmed Madoobe waxay waxba kama jiraan ku tilmaameen wax kasta oo kasoo baxay isbeddelka lagu sameeyay dastuurka Kumeelgaarka ah ee dalka, iyagoo ku adkaystay in isbeddel kasta uu ku imaan karo oo kaliya wadatashi iyo heshiis qaran.

Labada maamul ee Jubbaland iyo Puntland Waxay soo dhoweeyeen dadaallada Madasha Samatabixinta Qaranka, oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin mucaarad ah ee Soomaaliya.

War-murtiyeedka oo uu warbaahinta u akhriyey afhayeenka Madaxtooyada Puntland ayaa lagu soo dhaweeyey dagaalka kooxaha nabaddiidka ah iyo dedaalada dawlad dhiska guud ee dalka.

Waxay ugu baaqeen madaxda dowlad goboleedyada inay qabsadaan doorashooyinkooda aysanna qayb ka noqon hanaanka lagu wiiqayo dowladnimada Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.