Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ee golaha shacabka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ee golaha shacabka

Muqdisho (Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliso Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulanka furay ayaa xubnaha guddiga warbixin ka siiyey...

Tartanka kubadda Cagta degmooyinka gobolka Banaadir oo maanta lasoo gabagabeyn doono Muqdisho

Tartanka kubadda Cagta degmooyinka gobolka Banaadir oo maanta lasoo gabagabeyn doono Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Waxaa galabta garoonka Stadium Muqdisho, ka dhici doona ciyaarta kama dambeysta ah ee u dhaxeeysa degmooyinka Howlwadaag iyo Warshiikh oo ka kala tirsan gobolka Banaadir iyo gobolka Shabeellaha Dhexe. Ciyaartan ayaa ah kulankii ugu dambeeyey ee tartanka degmooyinka gobolka Banaadir, oo muddooyinkii dambe si habsami leh u socday magaalada Muqdisho. Kulankan ayaa mid xiiso leh, waxaana...

Midowga Yurub oo Markab dagaal u soo diray xeebaha Soomaaliya

Midowga Yurub oo Markab dagaal u soo diray xeebaha Soomaaliya

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Midowga Yurub ayaa xeebaha Soomaaliya u soo diray Markab dagaal oo katirsan howlgalla la dagaallanka burcad badeeda ee howlgalka Atlanta. Ujeedka Markab dagaalka ee loogu soo diray xeebaha Soomaaliya ayaa ah mid amniga lagu xoojinayo, kaddib markii dhowaan kooxo burcad badeed ah ay weerareen markab ganacsi oo marayay xeebaha magaalada Muqdisho. Falkan weerarka ayaa dhacay maalintii...

Soomaaliya iyo Ciraaq oo kawada hadlay xaalada amniga iyo dagaalka AS

Soomaaliya iyo Ciraaq oo kawada hadlay xaalada amniga iyo dagaalka AS

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay wafdi ka socda Dowladda Ciraaq, kuwaas oo dalka u yimid sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka labada dal ee walaalaha ah. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkeynta iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada, iyo sidoo kale horumarinta maalgashiga gaar ahaan meelaha muhiimka ah sida...

DF Somalia oo sheegtay in ay dishay 800 dagaalame oo…

DF Somalia oo sheegtay in ay dishay 800 dagaalame oo…

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in sannadkii ugu dambeeyay dagaalkii lala galay Al-shabaab iyo Daacish, lagu dilay 800 dagaalame oo ay ku jiraan 50 horjogayaal ah. Hadalkan ayuu wasiirka Gaashaandhigga ka sheegay kulanka golaha aqalka sare oo maanta su’aalo lagu weydiinayay. Wasiir Fiqi, ayaa shaaca ka qaaday in dowladda ay...

Ku dhowaad 10 qof oo ku dhintay diyaarad ku burburtay Mareykanka

Ku dhowaad 10 qof oo ku dhintay diyaarad ku burburtay Mareykanka

Kentrukly ( Raxanreeb Online) Dab xooggan ayaa ka holcaya gobolka Kentucky ee dalka Mareykanka kadib markii diyaarad xamuul ah ay ku burburtay garoonka diyaaradaha ee Louisville ee gobolka Kentucky fiidnimadii Talaadada, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolkaasi. Ugu yaraan 7 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay dhinteen. Muuqaallo laga soo duubay goobta ayaa muujinaya holac iyo qiiq kasoo baxaya diyaaradda...

RW Xamse “Waa in wax laga beddelo qaabka Internet-ka looga isticmaalo Soomaaliya “

RW Xamse “Waa in wax laga beddelo qaabka Internet-ka looga isticmaalo Soomaaliya “

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in Soomaaliya looga baahan yahay in ay la jaanqaaddo dalalka kale ee caalamka, kuwaas oo nidaam iyo sharci cad u dejiyey isticmaalka Internet-ka, si looga hortago xadgudubyada iyo falalka ka baxsan anshaxa dijitaalka ah. “Dalalka dunida Internet-ka waa la nidaamiyey, iskama isticmaali karaan, waxaa loo sameeyey sharciyo qofkii ku xadgudba...

Ganacsigii iyo isku socodkii gaadiidka deegaanada Hir-shabeelle oo istaagay

Ganacsigii iyo isku socodkii gaadiidka deegaanada Hir-shabeelle oo istaagay

Jowhar (Raxanreeb Online) Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-shabeelle,  waxaa maalintii labaad hakad ku yimid isku socodka gaadiidkii ka dhex shaqeeynayay gudaha magaalada iyo kuwa goballada aadayay sida magaalada Muqdisho. Sidoo kale qeybo ka mid ah ganacsiga magaalada ayaa xiran maadama aysan safar magaalada looga baxayo ama lagu soo galaya. Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii wasaaradda maaliyada Hir-shabeelle, ay...

Shir u dhaxeeya dowladda federaalka iyo Midowga Yurub oo ka furmay Muqdisho

Shir u dhaxeeya dowladda federaalka iyo Midowga Yurub oo ka furmay Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta laga daah furay wajiga labaad ee kulanka Guddiga Hagidda Mashruuca SJGAP, kaasi oo ka qeyb galeen wasiirrada Gaashaandhigga, Amniga gudaha, Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale. Mashruuca SJGAP oo uu maalgeliyo Midowga Yurub, ayaa taageera Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga Gudaha iyo Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, si loo xoojiyo hannaanka maamulka, isla...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay caleema-sarka madaxweynaha cusub ee Tanzaia

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay caleema-sarka madaxweynaha cusub ee Tanzaia

Dodoma (Raxanreeb Online) Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Dodoma ee caasamidda dalka Tanzaniya, ayaa ka qaybgalay caleema-saarka Madaxwaynaha dib loo doortay ee dalkaasi, Marwo Samia Suluhu Hassan. Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa qayb ka ahaa Madax kala duwan oo heer gobol ah, kuwaasi oo lagu casuumay ka qayb galka Munaasabadda caleema-saarka madaxweynaha dib loo doortay ee Tanzania...

Askar katirsan ciidanka dowladda oo lagu dilay Muqdisho

Askar katirsan ciidanka dowladda oo lagu dilay Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Labo askri oo ka tirsan hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka ee SINA ayaa xalay lagu dilay degmada Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho. Dilka askarta waxaa gaystay askari kale oo ka tirsan xoogga dalka, gaar ahaan ciidamada Gorgor ee ay tababarto dowladda Turkiga. Goobjoogayaal ayaa sheegay in askariga dilka gaystay oo watay qori AK47 ah uu rasaas...

Somaliland oo soo saartay amar cusub oo la xiriira duullimaadyada

Somaliland oo soo saartay amar cusub oo la xiriira duullimaadyada

Hageyso ( Raxanreeb Online) Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in aysan hawadeeda soo geli karin diyaaradaha aan oggolaansho iyo fasax ka haysan wasaaradeeda duulista hawada. Bayaan ka soo baxay baxay wasaaradda duulista iyo horumarinta madaarrada Somaliland, ayaa lagu sheegay in duullimaad kasta oo soo gala hawadeeda oggolaansho la’aan ay ka qaadayso tallaabo. “Duullimaad kasta oo oggolaansho la’aan soo gala hawada Somaliland...