Garoowe ( Raxanreeb Online) Maamulka Puntland ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u gudbisay qoraal ay kaga hadashay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland, oo ku qornaa luuqada Ingiriiska ayaa ku baaqday in la qabto wada-hadal siyaasadeed oo loo dhan yahay, kaas oo ay ka qayb galaan dhinacyada kala duwan ee siyaasadda Soomaaliya, si xal...

Wada-hadaladii mucaaradka iyo dowladda ee doorashooyinka oo fashilmay
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku wargeliyay in dadaallo wada-hadal oo looga gol lahaa in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya la isku soo dhoweeyo aysan weli horseedin heshiis laga gaaro qaabka doorashada dalka. Golaha ayaa sheegay in dadaalladaas ay qayb ka ahaayeen dowladda Turkiga iyo dalalka ku bahoobay Quad, kuwaas oo kala ah Mareykanka,...

Madaxweynaha Iran oo si cad Trump ugu sheegay in waligood aysan Jilbaha u dhigi doonin
New York ( Raxanreeb Online) Madaxweyne Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in Iran aysan marnaba “u jilba-dhigi doonin” cadowgeeda ka dib ku dhawaad toddoba bilood oo dagaal ah oo ay kula jirtay Mareykanka iyo Israa’iil, balse ay diyaar u tahay xal diblomaasiyadeed oo lagu soo afjarayo khilaafka. Isagoo ka jawaabayey hanjabaadda Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ah inuu “baabi’in doono” Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta la filayo inuu Khudbad ka jeediyo Shirka Qaramada Midoobay
New York ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta la filayaa inuu khudbad ka jeediyo fadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Khudbadda Madaxweynaha ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro xaaladda Soomaaliya, horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dowlad-dhiska, iyo sidoo kale dadaallada dowladda ee xoojinta hay’adaha qaranka. Sidoo kale, Madaxweyne Xasan...

Turkiga oo beeniyay in Soomaaliya ay xayiraad Fiiso ku soo rogtay muwaadniinteeda
Ankara ( Raxanreeb Online) Dowladda Türkiye ayaa beenisay warar maalmihii u dambeeyay lagu faafiyey baraha bulshada, kuwaas oo sheegayay in Dowladda Soomaaliya ay xayiraado cusub oo dhinaca fiisaha iyo socdaalka ah kusoo rogtay muwaadiniinta u dhashay Türkiye. Hay’adda Türkiye u qaabilsan la-dagaallanka wararka marin-habaabinta ah ayaa sheegtay in wararkaasi aysan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana aanu jirin go’aan...

Kenya oo wajaheysa qiimo kororka Gaaska wax lagu karsado
Nairobi ( Raxanreeb Online) Sida wararka soo baxaya ay sheegayaan dalka Kenya ayaa lagu wadaa inay bisha October 2026 wajahdo qiimo-koror ku yimaada gaaska wax lagu karsado, kaddib markii ay sare u kacayaan kharashaadka la xiriira maadooyinka iyo waxyaabaha loo adeegsado soo saarista iyo diyaarinta gaaska. Sida ay sheegayaan ilo kala duwan, kororka qiimaha ayaa la xiriira lacago dheeraad ah...

Madaxweyne Xasan oo New York kula kulmay madax kala duwan oo ka qeyb galeysa Shirka QM
News York (Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo doceedyo kula yeeshay Madaxweynaha Serbia, Aleksandar Vučić, Madaxweynaha Senegal, Bassirou Diomaye Faye, Madaxweynaha Zimbabwe, Emmerson Dambudzo Mnangagwa, iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Pakistan, Muhammad Shehbaz Sharif. Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo dalalkaasi iyo arrimo la xiriira nabadda, amniga,...

Toogasho wadareed oo ka dhacay magaalada Durban
Durban ( Raxanreeb Online) Ugu yaraan 11 qof ayaa lagu dilay toogasho wadareed ka dhacday guri ku yaalla deegaanka KwaMakhutha, oo u dhow magaalada Durban ee Koonfur Afrika. Booliska ayaa sheegay in rag hubeysan ay guriga gudaha u galeen fiidkii Talaadadii, kadibna rasaas ku fureen 14 qof. Toban qof ayaa goobta ku dhintay, halka afar kalena isbitaal loo qaaday, balse...

Woqooyi Bari oo Xannibay Gaadiid Raran oo Ka Yimid Dekedda Berbera
Laascaanood (Raxanreeb Online) Woqooyi Bari oo Xannibay Gaadiid Raran oo Ka Yimid Dekedda BerberaMaamulka Waqooyi Bari ayaa xannibay gaadiid xamuul ah oo markii ugu horreysay muddo saddex sano ah ka soo baxay Dekedda Berbera ee Somaliland, kuwaas oo marayay jidka isku xira Burco iyo Laascaanood. Gaadiidkan ayaa la sheegay inuu u rarnaa ganacsato ku sugan magaalada Laascaanood, waxaana jidkaasi uu...

Mataano Soomaali ah oo laga soo musaafurinayo dalka Sweden iyo sababta ka dambeysa
Sweden ( Raxanreeb Online) Laba mataano Soomaali ah oo 22 jir ah ayaa wajahaya in laga masaafuriyo dalka Sweden, iyadoo loo qorsheynayo in dib loogu celiyo Soomaaliya. Labada mataanaha ah ayaa la sheegay inay muddo ku noolaayeen Sweden, halka hooyadood iyo qaar ka mid ah walaalahood ay weli ku nool yihiin dalkaas. Sida ay sheegtay Alia, iyada iyo walaalkeed waxaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka
New York ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu kaga qeybgalayo kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Inta uu ku sugan yahay New York, Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo kulamada heerka sare, isla markaana uu jeediyo khudbad uu kaga hadlayo mudnaanta...

Maxey tahay sababta Uganda ay xiriirka ugu jartay dowladda Turkiga ?
Kambaala ( Raxanreeb Online) Ciidamada Uganda ayaa sheegay inay hakiyeen iskaashigii milateri ee kala dhexeeyay Turkiga, kadib markii la dalbaday in Ankara ay soo wareejiso qoraa siyaasadeed oo caan ah, kaas oo si adag u dhaliila Madaxweyne Yoweri Museveni. “Ciidamada Difaaca Dadweynaha Uganda (UPDF) ayaa si degdeg ah u hakiyay dhammaan wixii iskaashi dhanka difaaca iyo milatariga ah ee kala...
