DIB U DHAC  ku yimid gogashii uu fidiyay Madaxwayne Xasan Sheekh-XOG

DIB U DHAC  ku yimid gogashii uu fidiyay Madaxwayne Xasan Sheekh-XOG

Muqdisho (Raxanreeb )- Maanta oo Axad ah ayaa lagu waday  in magaalada Muqdisho ay ka furanto gogashii uu ku baaqay madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud si looga hadlo arimaha muranka badan dhaliyay ee doorashooyinka iyo wax ka bedelka Dastuurka.

Shirkan waxaa qaadacay oo iska diiday ka qayb – galkiisa xubnaha madasha samatabxinta kuwaas oo sheegay in shirka uu yahay mid laga leeyahay ujeedooyin qarsoon oo ujeedkooda uu yahay in xukunka la siid dheerayso.

Dowladda Soomaaliya ayaa  wali ka hadal waxa keenay in maanta uu baaqdo shirkan oo loo balansanaa in si rasmi ah  ugu furmo magaalada Muqdisho , kaas oo laga filayay in ay ka soo baxaan qodobo xal u ah ismari waaga siyaasadeed ee jira.

Si rasmi ah looma oga in dib uu u qabsoomi doono shitrkan iyo  in gabi ahaanba uu hakad ku yimid maadam xal laga  gaarin dhinacyada ay tahay in ay ka qayb – galaan

Maqnaanshaha Puntland iyo Jubalabd waa culays kale oo uu wajahayo shirkan waxayna ka mid ahaayeen sharuudaha ay wateen ,  xubnaha mucaaradka si ay u xaadiraan shirka

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ayaa ku boorriyay mucaaradka inay ka qeybgalaan shirkan wadar-tashiga ah “si loo gaaro go’aan mideysan”

Hanad Ali Guled

Raxanreeb – Mogadishu.

Leave a Reply

Your email address will not be published.