Author: Mohamed Jibril (Mohamed Jibril)

DF iyo Puntland oo warar is-khilaafsan kasoo saaray duqeymo ka dhacay buuraha Calmadow
Post

DF iyo Puntland oo warar is-khilaafsan kasoo saaray duqeymo ka dhacay buuraha Calmadow

Dowlad Goboleedka Puntland, ayaa ka horyimid qoraal shalay kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo looga hadlay howlgal culus oo ka dhacay buuraha Calmadow ee maamulkaasi, kaas oo ay dowladdu sheegtay inay fuliyeen ciidanka Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah, laguna dilay horjooge sare iyo dagaalyahano gaaraya illaa iyo 20 katirsan kooxda Al-Shabaab.