Axmed Madoobe oo lakulmay guddiga dib udhiska buundooyinka bur-buray ee gobolka Gedo.

Kismaayo (Raxanreeb online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Xarunta madaxtooyada Jubbaland ku qaabilay guddiga dib-u-dhiska buundooyinka bur buray ee kuyaalla gobolka Gedo.

Sidoo kale, guddigan oo ay soo xuleen odayaasha dhaqanka ayaa ka shaqaynaya sidii isku tashi bulsho loogu bilaabi lahaa howlaha dib loogu dhisayo buundooyinka gobolka ee ku burburay roobabkii u danbeeyay ee ku dhuftay inta badan dalka.

Dhanka kale, madaxweynaha ayaa guddiga ka dhagaystay dadaalka ay wadaan qeybaha kala duwan ee bulshada ee la xiriira sidii loogu istaagi lahaa dhismaha Buundooyinkan muhiimka u ah ganacsiga iyo isku socodka bulshada.

Waxaa Madaxweynahu uu tilmaamay in marka lasoo dhameeyo ololaha hada socda khuburo loo saari doono qiimaynta shaqada iyo sida ugu macquulsan ee dib loogu dhisi karo buundooyinka burburay isla markana dadweynaha iyo maamulka Jubbaland oo iskaashanaya ay si wadajir ah u bilaabi doonan dhismaha Buundooyinka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.