Cabdi Xaashi iyo Saalax Axmed Jaamac oo heshiis ka gaaray khilaafkii soo kala dhexgalay.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo heshiis wada jir ah ka gaadhay arrinta ku saabsan go’aanka maamul ee tirsigiisu yahay: Tix: GAS/B-11/17/24 kuna taariikhsan 12 Oktoobar 2024.

Wadahadallo ay yeesheen guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’isul Wasaare Kuxigeenka dalka ayaa ugu dambeyn lagu xaliyay khilaafkii taagnaa iyo laalidii kursiga Aqalka Sare uu ku fadhiyay Saalax Axmed Jaamac.

Arrintan ayaa imaaneysa kaddib, markii uu Saalax Axmed Jaamac uu iska diiday eedo loo soo jeediyay oo ah in uu afar kalfadhi uusoo xadiri waayay golaha sidaasina looga qaadaayo kursiga senaterka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.