Ciidanka ladagaalanka argagixisada Puntland oo howlgalo ka fuliyay buurta Calmiskaad

Calmiskaad (Raxanreeb online) – Ciidamada difaaca maamulka Puntland ayaa, howgallo ay doonayaan in ay kusoo afjaraan kooxda Daacish kawada dhulka buuraleyda Calmiskaad, halkaas ay ku sugan yihiin dagaallamayaal Soomaali iyo ajaaniib isugu jira.

Sidoo kale, howlgal qorsheysan oo ciidamada fuliyeen saacadihii lasoo dhaafay ayey ku guulaysteen in ay ku burburiyaan keydkii guud ee raashinka iyo Xaruntii caafimaadka ay lahaayeen kooxaha Daacish.

Dhanka kale, saraakiisha hoggaaminaya hawlgalka ka dhanka ah kooxda Daacish, ayaa sheegay in ciidamadu ku guulaysteen burburinta keydadkii ay lahaayeen kooxdaasi, gaar ahaan keydadkii raashinka iyo daawooyinka u yaaleen.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay Taliskii guud ee tababarada maleeshiyaadka Daacish, islamarkaana hawlgalkaasi lagu dilay xubno ka tirsan kooxda oo dhammaantood ajaanib ah.

Sikastaba, dagaalyahannada kooxda Daacish ee ku sugan buuraha gobolka Bari, ayaa wararku sheegayaan in hadda ku go’doonsan yihiin masaafo kooban oo ay dhinacyada kaga hareeraysan yihiin ciidamada Puntland, kuwaa oo doonaya in gabi ahaan kooxdaasi ay soo afjaraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.