Ciidanka Xoogga oo howlgalo ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Xudur

Xudur (Raxanreeb online) – Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo ku sugnaa degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, ayaa sameeyay howlgallo ka dhan ah kooxda Al-shabaab, kuwaa oo ku sugnaa deegaanno kuyaalla duleedka magaalada Xudur.

Sidoo kale, howlgalkan ay fuliyeen ciidamo cusub oo dhawaan kusoo biiray milatariga Soomaaliya laguna tababaray gudaha degmada Xudur, ayaa la sheegay in waxyeelo lagu gaarsiiyeen dagaallamayaal katirsanaa Al-shabaab oo ku sugnaa duleedka caasimadda gobolka Bakool.

Dhanka kale, Saraakiisha ciidanka hoggaamineysay ayaa la sheegay in ay cagta mariyeen xubno katirsan Al-shabaab oo ku sugnaa deegaannada Banjinaay, aboore ilaa teed oo u dhaxeeya degmooyinka Xudur iyo Ceel-berde oo kawada tirsan gobolka Bakool.

Ugudambeyntii, ciidankan ayaa dib uga laabtay deegaannada ay ka sameeyeen howlgalka, ciidanka dowladda ayaana inta badan howlgalo gaadmo ah ka fuliya deegaanno ay joogaan Al-shabaab, iyadoona ciidamada dib uga laabtaan deegaannadaasi oo markale kusoo laabtaan Al-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.