Degmooyinka gobolka Banaadir oo saxmad laga dareemayo kaddib tallaabadii uu qaaday Madaale.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale, ayaa magacaabay guddi kormeer ku sameeya xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir, si ay guddigaasi usoo qiimeeyaan una soo arkaan sida maamulka iyo xubnaha kale ee koonsalka u shaqeeyaan.

Kormeer ay dhawaan guddigan ku tageen degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, ayey kula soo kulmeen shaqo xumo ka jirta xarumaha degmadaasi, waxaana guddiga xilliga ay tagayeen xrumahaasi ahaayeen kuwa inta badan xirnaa xafiisyada lagu shaqeeyo.

Sidoo kale, guddoomiye Madaale ayaana shaqojoojin ku sameeyay guddoomiyaasha degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee lagu arkay shaqo xumo, waxaa sidoo kale mushaarka bishan laga joojiyay dhammaan xubnihii koonsalka ee degmooyinkaasi ee ka maqnaa xarumahaasi markii la kormeerayay.

Dhanka kale, tallaabadan markii uu qaaday guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa qaar badan oo kamid ah guddoomiyaasha degmooyinka iyo xubnaha kale ee maamulka oo inta badan shaqada xaadiri jirin bilaabeen in ay maalin kasta xafiisyadooda tagaan waliba xilli hore.

Mashquul ayaana laga dareemayaan xafiisyada guddoomiyaasha degmooyinka, kuxigeennada iyo xubnaha kale ee koonsalka oo inta badan xirnaan jiray, waxa ayna xubnahan lasoo daristay cabsi la xariirta iyo shaqojoojin iyo mushaar hakin lagu sameeyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.