DF oo safiirkii dalka Kenya ufadhiyay uyeertay kaddib safarkii Axmed Madoobe ee Kenya

Muqdisho (Raxanreeb online) – Soomaaliya ayaa wadatashi ugu yeeratay safiirkeedii u joogay dalka Kenya Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Sidoo kale, U yeerista safiirka ayaa la sheegey in ay la xiriirto safar uu shalay Kenya ku tagay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dowladdu ay saartay xannibaad dhanka socdaalka ah.

Dhanka kale, Faahfaahin dheeri ah ma aysan bixin dowladda Soomaaliya iyo tan Kenya oo ku aadan safarka Axmed Madoobe ee Kenya.

Saraakiil sar sare oo dowladda katirsan ayaa  xaqiijiyay in loo yeerey Safiirka Soomaaliya ee Kenya si wadatashi arrimahaasi ku aadan  loola yeesho.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay u yeertay Safiirka Kenya u fadhiya Muqdisho iyadoo u gudbisay warqad cabasho ah oo ku saabsan safarkii maanta uu Nairobi ku tagay hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Diyaarad gaar ah ayaa magaalada Kismaayo ka qaaday Axmed Madoobe taasoo ka dejisay magaalada Nairobi xili DF ay xanibaad ku soo rogtay hoggaamiyaha Jubbaland

Sikastaba, Xiriirka dowladda federaalka ah iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa bilooyinkii u danbeeyay xumaa, waxaana dowladdu ay u jartey amar lagu soo xiraayo taasi oo ay Jubbalan uga jawaabtey amar kale oo madaxweynaha dowladda federaalka lagu soo xiraayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.