Diyaarad ka timid Addis Ababa oo wafdi heer wasiiro ah ka qaaday magaalada Kismaayo

Kismaayo (Raxanreeb online) – Diyaarad ka timid magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa maanta ka degtay magaalada Kismaayo, waxa ayna halkaasi ka qaaday xubno ka tirsan golaha wasiirada Jubbaland & Odayaal dhaqan, oo ay qaarkood ku dajisay magaalada Doolow ee gobalka Gedo oo ay xayiraad duulimaad saartay Dowlada Somalia.

Sidoo kale diyaaradan ayaa  u gudubtay magaalada Addis Ababa, iyadoo geysay xubno katirsan golaha wasiiradda Jubbaland oo ku sii jeeda dalka Kenya si ay hallkaas diyaarad kale uga raacaan.

Dhanka kale, Todobaad ka hor Madaxweyne Xassan Sheekh oo booqday Addis ababa isagoona sheegay in Abiy Axmed isku raaceen in DFS la taageero, oo looga dambeeyo arrimaha gudaha derisnimada la ixtiraamo, balse taas ayaa u muuqata mid meesha ka baxday

Diyaaradan ayaan haysan ogolaanshaha Hay’adda duulista hawada ee dawladda faderaalka, oo ay horey Jubbaland ugu eedeysay in ay siyaasad dhex gashay oo aan lagu kalsoonan karin.

Sikastaba, dawladda Faderaalka ayaan talaabada Itooboiya ka hadlin illaa hadda, xili ay shalay ay ka dacwootay Kenya oo ay Villa Somalia iyadoo ka ashtakooneysa diyaarad ka timid Kenya oo Axmed Madoobe ka qaaday Kismaayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.