Diyaaradaha iyo Maraakiibta dagaalka Shiinaha oo galay xadka Taiwan iyo xiisad colaadeed oo kataagan halkaas.

Taiwan (Raxanreeb online) – Dowladda Shiinaha ayaa qaaday tallaabooyin lagu cabsi galinayo maamulka iyo shacabka Jaziirada Taiwan, oo Shiinaha aaminsan yahay in dalkeeda katirsan yahay.

Sidoo kale, Shiinaha ayaa maanta isku hareereeyay Jaziirada Taiwan, waxaana maraakiibta dagaalka iyo kuwa diyaaradaha qaada ee Shiinaha ay galeen biyaha Jaziirada Taiwan.

Dhanka kale, diyaaradaha dagaalka ee Shiinaha ayaa sidoo kale gudaha u galay hawada Taiwan, iyadoo afhayeenka militariga Shiinaha, Li Xi uu sheegay in dhaqdhaqaaqan uu ka dhiganyahay dhoolatus diyaargarow dagaal.

Tallaabadan Shiinaha uu qaaday maahan wax horey uu u sameeyay, wuxuuna bixiyay sawirka sida uu go’doon u gelin karo Taiwan iyo awoodda ay ciidanka Shiinaha u leeyihiin inay waqti kooban u beddelaan jariisadan meel aan laga bixi karin lana geli karin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.