Diyaaradda Ethiopian Airlines oo sheegtay in ay joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Asmara.

Asmara (Raxanreeb online) – Ethiopian Airlines, ayaa joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Asmara dalka Eriteria, maanta oo ah, 3 September, 2024 iyadoona sababta ku sheegtay xaalado shaqo oo aad u adag oo ay kala kulantay Eritrea oo aaney awoodeeda lahayn iney xaliso.

Sidoo kale, diyaaradda Ethiopian Airlines waxay ka xuntahay inay ku wargeliso macaamiisheeda qiimaha leh ee u socdaalaya/ka soo duulaysa Asmara inay joojisay duulimaadyadeedii Asmara laga bilaabo Sebtember 3, 2024, sababo la xidhiidha duruufo shaqo oo aad u adag oo ay kala kulantay Eritrea oo aan awoodeeda lahayn.

Diyaaradda Ethiopian Airlines waxay samayneysaa wax kasta oo suurtagal ah si ay dib ugu ballansato rakaabka ay waxyeeladu soo gaartay shirkadaha kale iyada oo aan wax kharash ah lagu kordhin, haddii kale rakaabku waxay heli karaan lacag celin buuxda tigidhkooda.

Wixii kaalmo ah, fadlan la xidhiidh xafiiska kuugu dhow ee Ethiopian Airlines ama Xarunta Wicitaanka Caalamiga ah ee Itoobiya, iyadoo faahfaahinta lagala xidhiidho ay ka muuqato website-ka Ethiopian Airlines ee www.ethiopianairlines.com.

“Waxaan si daacad ah uga cudur daaraneynaa dhib kasta oo ay tani keeni karto, waxaanan ku mahadcelineynaa fahamkaaga iyo wadashaqeyntaada inta lagu jiro waqtigan.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.