Duqa Magaalada Kismaayo Oo Madaxweynaha Somaliya Ku Eedeeyay Khiyaamo Qaran.

 Kismaayo (Raxanreeb online) – Xiriirka aan wanaagsanayn ee u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubaland ayaa sii xumaanaya iyadoo duqa magaalada Kismaayo Cumar Cabdullaahi Maxamed uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay khiyaano qaran.

Sheegashada Duqa Magaalada ayaa waxaa barbar socday sawiro muujinaya Madaxweynaha Jubbaland oo laga saaray dhismayaal dadweyne.

Eedeyntan ayaa noqoneysa tii ugu dambeysay ee khilaaf siyaasadeed oo aad u daran taasoo keentay in madaxda federaalka iyo kuwa Jubbaland ay galaan tillaabo sharci ah oo aan horay loo arag. Maxkamadda darajada 1-aad ee Jubaland ayaa dhawaan soo saartay amar lagu soo xirayo madaxweyne Maxamuud, iyadoo ku eedeysay inuu galay qiyaano qaran iyo kicin jabhado. Muqdisho ayaa ka codsatay booliska caalamiga ah ee Interpol in ay soo saaraan ogeysiis cas oo ku wajahan madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo ay ku eedeysay inuu la maleegayo hay’ado shisheeye oo uu wax u dhimayo amniga qaranka Soomaaliya.

Iska horimaadka sharciyeed ee sii xoogeysanaya ayaa ku faafay ciidamo militari ah. Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka oo ay ku jiraan kuwa Xaramka iyo Gorgor ee uu tababaray Turkiga ayaa la geeyay gobolka Raas-kambooni ee Jubaland oo ah deegaan istiraatiiji ah oo ku dhow xadka Kenya. Dhaqdhaqaaqyadan ayaa kusoo beegmaya iyadoo howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) uu wejigiisa ka baxayo, taasoo ka dhigeysa meelaha muhiimka ah ee u nugul khataraha ammaanka.
Dowladda Jubaland ayaa ku amartay shirkadaha diyaaradaha ee ka howlgala deegaanadeeda in ay si gaar ah ula shaqeeyaan mas’uuliyiinta ay u magacawday wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Khilaafkan ayaa salka ku haya khilaaf muddo soo jiitamayay oo ku saabsan qaab dhismeedka federaalka Soomaaliya. Jubaland oo uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa si joogta ah uga soo horjeesatay dadaallada federaalka ee lagu doonayo in lagu meel mariyo talada dalka, loogana gudbo nidaamka doorasho qof iyo cod ah. Si kastaba ha ahaatee, dowladda federaalka ayaa isbedelladan u aragta kuwo muhiim u ah dadaallada dowlad dhisidda ee Soomaaliya.

Doorashada Axmed Madoobe oo mar saddexaad dib loo doortay bisha November ayaa xiisad sii hurineysa. Dowladda Federaalka ayaa doorashadaas ku tilmaantay mid aan waafaqsaneyn dastuurka dalka, iyadoo ku sababeysay waqti xaddidan, halka kooxaha mucaaradka ku ah Jubaland ay qabteen doorashooyin is barbar socda, taasoo sii fogeysay kala qeybsanaanta gobollada.

Beesha Caalamka ayaa ku baaqday in la is xakameeyo. War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayay ku booriyeen madaxda Soomaaliya inay khilaafkooda ku xalliyaan wadahadal iyadoo loo marayo Golaha Wadatashiga Qaran. Dowladaha deriska ah ee Kenya iyo Itoobiya oo labaduba ka mid ah ciidamada ka jooga Jubaland ayaa iyaguna si dhow ula socda xaaladda, iyagoo ka cabsi qaba xasilooni darro ka dhacda gobolka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ku biiray baaqyada ku aadan in xiisada colaadeed la dejiyo. “Mustaqbalka Soomaaliya waxa uu ku xiran yahay iskaashi ee kuma xirna in la isku qasbo” ayuu ku yiri shir jaraa’id oo uu dhawaan qabtay. “Wada hadalku waa wadada kaliya ee aan ku gaari karno midnimada”.

Leave a Reply

Your email address will not be published.