Duqeyn diyaaradeed oo ay Isra’iil ka fulisay gudaha dalka Syria oo lagu dilay gabar Saxafiyad aheyd.

Dimishiq (Raxanreeb online) – Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa duqeyn dhalisay khasaaro dhimasho  iyo mid dhaawac ah ka geesatay magaalada Dimishiq ee caasimada dalka Syria, waxaana warar dheeraad ah kasoo baxayaan cidda sida rasmiga ah duqeynta loola beegsaday.

Sidoo kale, duqeynta ay diyaaradaha dagaalka Israa’iil ka fuliyeen magaalada Dimishiq, waxay ka dhacday meel aan ka fogeyn safaaradda Iran ee ku taalla caasimadda Syria, lamana soo warin wax khasaaro ah oo gaaray diblumaasiyiinta safaaradda.

Dhanka kale, gantaal ay soo rideen diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa ku habsaday gaari ay wadatay Safaa Axmed oo aheyd wariye katirsan telefihinka Qaranka Syria, gabadhan ayaana la dilay daqiiqado kaddib markii ay kasoo baxday barnaamij toos ah ay uga hadleysay duullaanka Israa’iil ku qaaday Lubnaan.

Lama oga ilaa hadda bartilmaameedka duqeynta Israa’iil ka geesatay magaalada Dimishiq in ay aheyd gabadha wariyaha iyo in kale, waxaana sidoo kale la caddeyay in ay jirto cid kale oo gaariga la saarneed gabadha wariyaha ee la dilay.

Sikastaba, diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa sidoo kale duqeymo kale oo khasaaro kala duwan geestay saacadihii laso dhaafay ka fuliyay gudaha dalalka Syria iyo Lubnaan, waxa ayna duqeymahan dhacayaan xilli ciidamada milatariga Israa’iil weerar dhinaca dhulka ah ku galeen dalka Lubnaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.