Bolu (Raxanreeb online) – Dab xooggan oo ka kacay hoteel ku yaala magaalo dalxiiseedka Bolu ee dalka Turkiga ayaa sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana hadda bilowday baaritaanno lagu ogaanayo waxa dabkan dhaliyay.
Sidoo kale, inta la xaqiijiyay 10-qof oo kamid ahaa dadkii hotelka ku sugnaa ayaa geeriyooday, halka ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen 32 qof oo kale, dadka dhintay qaarkood ayaa la sheegay in ay dabaqa iska tuureen si ay dabka uga badbaadaan, balse jug soo gaartay u geeriyoodeen.
Dabka ayaa ka kacay hotelka Grand Kartal oo ka kooban 12 dabaq, xili lagu jiray fasax, waxaana dabka la sheegay in uu ka bilowday qeybta afaraad, isagoona usii gudbay qeybaha sare ee hotelka, uuna sidaasi ku batay waxyeelada.
Dhanka kale, Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Turkiga Cali Yerlikaya, ayaa sheegay in ay socdaan baaritaanno ku aadan dabkan ka kacay hotelka, waxa uuna xusay in lagu dedaalay sidii loo badbaadin lahaa dadkii hotelka ku sugnaa markii uu dabku kacayay.
Ugudambeyntii, Hotelka Grand Kartal, ayaa xilliga uu dabku bilaabanayay waxaa ku sugnaa dad ka badan 230 qof, waxaana lagu guuleestay in la badbaadiyo inta badan dadkii hotelka ku sugnaa, dadka waxyeelada soo gaaraty ayaana u badnaa dad dalxiisayaal ah.
Leave a Reply