Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta.

 Muqdisho (Raxanreeb online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka 11-aad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay dalka Imaaraadka Carabta.

Guddoomiye Madoobe iyo wafdigiisa oo ay ku jiraan xubno ka tirsan Guddiga saaxiibtinimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxda Imaaraadka Carabta.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa la filayaa in madaxda Imaaraadka Carabta uu kala hadlo xoojinta xiriirka labada dal iyo doorka uu dalku ka qaadan karo fursadaha horumarineed iyo arrimo kale oo waaweyn.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa la filayaa inuu madaxda kala hadlo arrimo ay ka mid yihiin horumarinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo xoojin lahaa dadaallada ay dowladdu waddo ee ku aaddan la-dagaalanka argagaxisada Soomaaliya, iyadoo Imaaraadka uu yahay saaxiib weyn oo dhinaca horumarka Soomaaliya. iyo laamaha amniga.

Guddiga saaxiibtinimada baarlamaanka ayaa loo sameeyay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo kobcinta iskaashiga caalamiga ah waxaana guddiyadan ay noqon doonaan kuwo isku xira baarlamaanka Soomaaliya iyo baarlamaanka kale sida Imaaraadka Carabta oo ay diyaar u yihiin in ay kaalin mug leh ka qaataan horumarinta isfahanka iyo iskaashiga labada dhinac.

Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay la kulmaan Xildhibaanada Baarlamaanka Imaaraadka Carabta, si ay ugala hadlaan danaha labada dhinac.

Leave a Reply

Your email address will not be published.