Itoobiya oo wax laga xumaado ku tilmaantay in laga reebo Howlgalka Cusub AUSSOM

Addis Ababa (Raxanreeb online) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xalay si rasmi ah u ansixiyay howlgalka cusub ee taageerrada iyo xasillinta Midowg Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) oo beddelaya howlgalka sii dhammaanaya sannadkan ee ATMIS.

Sidoo kale, Ciidamada Itoobiya ayaa horey uga mid aheyd howlgalka waqtiga sii dhamaanayo ee ATMIS, waxaana ciidamada Itoobiya laga reebay howlgalka cusub ee taageerada iyo xasillinta Soomaaliya, taas oo Itoobiya ay si weyn uga xumaatay.

Dhanka kale, Wakiil u hadlay dowladda Itoobiya, ayaa u muujiyay sida ay uga xun yihiin in xilligan ciidamada Itoobiya laga reebo howlgalka cusub ee taageerada Soomaaliya, waxa uuna xusay wakiilkan in ciidanka Itoobiya ay lama huraan u yihiin xasillinta dalka dariska la ah ee Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay wakiilkan in kooxda Al Shabaab ay isku fidinayso dalka illaa uu gaarsiiyay inay iskudayayaan inay isku ballaariyaan dhulka xeebaha Soomaaliya, natiijadana wuxuu markaa ku sheegay inay ugu dambeyn awood u yeelan karaan kooxdan in ay khalkhal galiyaan marinnada biyaha caalamiga ah.

“Waxaa hadda la joogaa marxalad xasaasi ah, beesha caalamka maalgelin badan ayay ku sameysay Soomaaliya, waana inaan maanta la khasaarin mirahaasi. Itoobiya waxay sii wadeysaa naf hurnimada ay ka sameysay Soomaaliya— Itoobiya way sii wadeysaa hawgalkeeda kd dib ATMIS… Itoobiya waxay wada shaqeyn lasii wadeysaa Dawladda Federaalka Soomaaliya— Hase ahaatee waxaa jira dhinacyo saddexaad oo raba inay qas ka sameeyaan gobolka kuwaas oo aan wax saameyn ku lahayn gobolka, kuwaasi waa in loo sheegaa inay ficiladaas ka joogsadaan” ayuu yiri wakiilkan matalayay Itoobiya.

Sikastaba, Itoobiya ayaa horey uga digtay in laga reebo howlgalka cusub ee taageerada iyo xasilloonida Soomaaliya, waxaana Itoobiya hadda qeybo kamid ah dalka ka jooga ciidamo aan ka tirsaneyn ATIMIS, balse dalka sharcidarro kusoo galay, waxaana suurto gal ah in ciidankaasi dalka iska sii joogaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.