Kenya (Raxanreeb online) – Kenya ayaa xoojisay ammaanka xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya, kaddib markii ay rabshado ka dhaceen deegaanka Raaskambooni oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland.
Mas’uuliyiinta Kenya ayaa walaac ka muujiyay xiisadaha sii xumaanaya iyo suurtagalnimada xasillooni darro hor leh.
Wargeyska The Nation ee ka soo baxa dalka Kenya, ayaa Jimcihii qoray in ku dhawaad 600 oo Askari oo ka tirsan Ciiddanka Qaranka Somalia ay u baxsadeen Degmadda Lamu ee dalka Kenya, ka dib markii ay Ciiddanka Jubbaland cagta mariyeen fariisimihii ay ku sugnaayeen, isla markaana dab qabadsiiyeen Xeradaasi.
U dhawaanshaha Raaskambooni ee waddooyinka muhiimka ah ee ganacsiga iyo taariikhdeeda dhibka leh oo saldhig u ah kooxo ay ka mid tahay Al-Shabaab, ayaa muujinaysa muhiimadda ay leedahay juquraafi-siyaasadeed. Iska horimaadkan ayaa muujinaya loolan ballaaran oo dhanka awoodda ah oo u dhaxeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada, iyadoo eedeymahaasina ay sii kordhinayaan khilaafka.
Saraakiisha dowladda Federaalka ayaa ku eedeeyay ciidamada Jubbaland in ay gacan saar la lahaayeen Al-Shabaab intii uu socday howlgalka, iyadoo madaxda Jubbaland ay si adag u beeniyeen.
Kenya ayaa ciidamo dheeraad ah oo ammaanka ah geysay aagagga xuduudka si ay uga hortagaan rabshado dhaca waxna looga qabto xasillooni darrada sii kordhaysa ee gobolka. Soo celinta askarta XDS ayaa la filayaa maalmaha soo socda iyadoo Kenya ay dadaal ugu jirto sidii ay u yarayn lahayd dhibaatada.
Leave a Reply