Kooxo hubeysan oo Aabbe iyo wiil yar ku dilay magaalada Dhuusamareeb.

Dhusamareeb (Raxanreeb online) – Dhacdo naxdin leh oo laga soo sheegayo gobolka Galgaduud ayaa waxaa si xun loogu dilay aabe iyo wiil uu dhalay oo afar jir ahaa duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Dadka dhintay ayaa lagu kala magacaabi jiray Cali Cabdi Shire iyo wiil yar oo uu dhalay, kuwaasoo la sheegay in lala beegsaday fal aargoosi ah oo la xiriira dagaal beeleedyo socday.

Dhacdadan naxdinta leh ayaa ka dhacday deegaanka Beerxadale oo qiyaastii 40 KM dhanka bari kaga beegan magaalada Dhuusomareeb. Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah rag bastoolado ku hubeysan ayaa falka dilka ah geystay, waxaana durbadiiba goobta ka baxsaday, iyadoo bulshada deegaanka ay argagax iyo murugo ku beertay.

Dilkan ayaa waxa uu sare u qaaday xiisada ka taagan deegaanka Beerxadale, waxaana la soo sheegayaa in uu sii xoogeystay xiisada ka dhalatay dilkaasi naxdinta leh. Dagaal beeleedyo ka dhacay gobollada Galgaduud iyo Mudug ee Galmudug ayaa sababay khasaare badan oo soo gaaray dad rayid ah sanadihii lasoo dhaafay, iyadoo bulshada deegaanka ay la daalaa dhacayaan weeraro aargoosi ah oo soo noqnoqday iyo dagaal beeleedyo.

Dhacdadan ayaa keentay in gurmad deg deg ah loo sameeyo si looga hortago in dhiig kale uu ku daato gobolka, iyadoo dadka deegaanka ay ka cabsi qabaan in rabshaduhu faraha ka baxaan. Ciidamada ayaa wali gacanta ku soo dhigin dambiilayaasha, waxaana wali socda baaritaano la xiriira arintaan.

Galmudug ayaa waxaa hareeyay colaado xilliyada qaar ka dhaca, kuwaasoo inta badan ka dhasha dagaal beeleedyo sababay khasaare naf iyo maalba leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published.