Beyrut (Raxanreeb online) – Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa Isniinti shalay sheegtay, in mudada 13-ka bil ah ee uu socdo dagaalka u dhaxeeya Xizbullah iyo Israel gudaha Lubnan lagu dilay in ka badan 3,000 oo ruux.
Sidoo kale, tiradan ayaa laba jeer ka badan dadki reer Lubnan ee lagu dilay dagaalki Xizbullah iyo Israel dhex maray 20 sano ka hor.
Dhanka kale, ilaa iyo hadda ma jiraan calaamado muujinaya dhamaadka dagaalkan Israel waxay sheegtay in ay waddo howlgallo ay ku beegsaneyso kaabayaasha Xizbullah meelo badan oo ka mid ah Lubnan, halka Xizbullah ay sii waddo gantaallada culus ee ay ku garaaceyso waqooyiga Israel.
Gantaaladaasi waxay billowday maalinti ay Hamaas weerartay koofurta Israel, 7-badi bishii October ee sannadki 2023-ki. Weerarkaas oo kiciyay dagaalka hadda socda ee u dhaxeeya Israel iyo Xamaas iyo Xizbullah oo dhanka kale ah, kuwaas oo taageero ka helaya Iran.
Israel ayaa Isniinti shalay sheegtay in ay jabisay heshiis horay u jiray oo dhigayay in ay fududeyso shaqada hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka qaxootiga Falastiin ee UNRWA.
Hay’addan ayaa soo mara gargaarka bani’aadannimo ee ugu badan ee ay ku nool yihiin dadka reer Gaza. Dhamaadki bishi hore ayay aheyd marki uu baarlamaanka Isra’il ansixiyay sharci uu ku joojinayo wada shaqeynta UNRWA ee gudaha Israel.
Qaramada Midoobay ayaa ka digtay cawaaqibka bani’aadannimo ee ka dhan kara tallaabadan.
Leave a Reply