Maamulk gobolka Banaadir oo ciidanka ammniga ku amray in dadka degan xaafada xero kalluun ka saaraan.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Warqad kasoo baxday guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale , ayaa lagu faray ciidanka boliiska qeybta gobolka Banaadir iyo kuwa nabadsugida in dadka degan ka saaraan xaafada xero Kalluun ee ku dhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sidoo kale, Xaafadan dadka laga saarayo ayaa waxaa iska leh wasaasaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda, waxaana guryahan degan dad shacab ah oo sannado badan halkaasi kunoolaa, kuwaa oo lagu amray in hadda deg deg uga baxaan.

Dhanka kale, Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dhulka xero Kalluun ee leedahay wasaaradda Kalluumeysiga in la iibinayo, waxaana horey dadka degan dhulkan ugu baaqay in ay isaga guuraan wasaaradda Kalluumeysiga oo sheegtay in iyadu u baahan tahay dhulkan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey dad shaab ah oo deganaa dhul dowladda leedahay xoog uga saartay, dhulka dowladda ayaana la sheegay in badankood ay iibsaneyso dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana dhulalkaasi la wareegaya ganacsato jeebka u buuxo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.