Madaxweyne Ciro oo kulankiisii ugu horeeyay layeeshay golahiisa cusub ee Wasiiradda

Hargeysa (Raxanreeb online) – Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa maanta yeeshay fadhigii ugu horreeyay, kaas oo uu shir-guddoominayey madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo ku xigeenkiisa Maxamed Cali Aw Cabdi.

Sidoo kale, Shirkan oo ka qabsoomay qasriga madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa soo xaadiray dhammaan xubnaha golaha wasiirrada cusub ee shalay la magacaabay, kuwaasi oo isugu jira wasiirro, wasiiru-dawlayaal iyo wasiir ku xigeenno.

Dhanka kale, Kulanka oo ahaa kii ugu horeeyay xukuumadan cusub ee uu soo dhisay madaxweyne Ciro  eyna isku baranayeen dhammaan xubnahan cusub ee Wasiiradda ah ayaa wuxuu madaxweynuhu golihiisa wasiirrada cusub la wadaagay waajibaadka loo igmaday inay ku shaqeeyaan, waxaanu la wadaagay barnaamijka hagaha u ah wax-qabadka xukuumadiisa, sida ku cad qorshaha buuggga xisbiga oo ka kooban lix cutub, taas oo ay saldhig u yihiin wada-jir iyo waxqabad muuqda.

Ugu horeyntii madaxweyne Ciro ayaa dul istaagay arrimaha mudnaanta u leh xukuumadiisa 100 cisho ee soo socda, sidoo kale Ciro ayaa waxa uu golihiisa xasuusiyey in shacabka Somaliland uga fadhiyaan in aay ugu shaqeeyaan daacadnimo iyo hufnaan.

golaha wasiirrada ayaa waxa loo qaybiyey wax-ka-bedelka iyo kaabista Xeerka kala xadaynta nidaamka xukuumadda xeer No.71/2015 oo ujeedada looga bedelay qaab-dhismeedka wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-bannaan si loo waafajiyo xeerka.

Ugudambeyntii madaxweynaha Ciro ayaa si guud uga hadlay arrimaha nabadgelyada qaybo kamid ah gobolka Sanaag, wuxuuna madaxweynaha mar labaad ku celiyey baaq nabad-gelyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.