Kampala (Raxanreeb online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda, kaga qeyb galay shirka sare ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha Afrika (CAADP).
Sidoo kale, shirkaan oo maalmahan ay fadhiyeen Wasiirrada Beeraha dalalka Afrika ayaa haatan Madaxdu waxay ka wada hadleen fulinta qorsheyaasha iyo talooyinka la soo saaray ee ku aaddan horumarinta wax soo saarka beeraha, kor u qaadista dhaqaalaha iyo xaqiijinta amniga cunno ee Qaaradda Afrika.
Dhanka kale, madaxweyne Xasan oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa soo bandhigay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in la horumariyo wax soo saarka beeraha iyo in laga faa’iideysto kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.
Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ayaa kulan-doceedyo la qaatay dhiggooda dalalka ka soo qeyb-galay shirka, si loo xoojiyo doorka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya laleedahay Qaaradda Africa.
Madaxweynaha ayaana larajeynayaa in uu halkaasi kaga sii gudmo dalka Itoobiya, halkaas oo uu utagi doono dhameystirka shirkii Ankara ku dhexmaray isaga iyo Abiy Axmed kaas oo uu garwadeen ka ahaa madaxweyne Erdogan, oo isagana lafilaaya in bisha April horaanteeda usoo gaaro dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya.
Leave a Reply