Mareykanka iyo Qaramada Midoobay oo ka wada hadlay caqabadaha amni ee Haiti Soomaaliya iyo Yemen.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ka wada hadlay walaaca ay wadaagaan dalalka Haiti iyo Soomaaliya iyo sidoo kale maxaabiista ay Xuutiyiinta Yemen ku hayaan.

Intii lagu guda jiray wicitaan telefoon Jimcihii, Blinken wuxuu iftiimiyay guulaha laga gaaray howlgalka Taageerada Amniga Caalamiga ah (MSS) ee Haiti, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Sarkaalka Maraykanka ah ayaa sidoo kale ka hadlay “qiimaha ay leedahay in la ixtiraamo codsiga dawladda Haiti ee ah in MSS loo wareejiyo hawlgal nabad ilaalin ah oo Qaramada Midoobay ah, kaas oo siin doona taageero ammaan oo waara dadka Haiti.”

Haiti waxa ay la daalaa dhacaysay mowjado rabshado ah sannadihii u dambeeyay, taas oo ay uga sii dartay dilkii madaxweyne Jovenel Moise ee 2021-kii.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka hadlay fursadaha maalgelinta ee Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyo “tallaabooyinka lagu xaqiijinayo sii deynta dhammaan shaqaalaha Qaramada Midoobay, diblomaasiyiinta, iyo kuwa aan dawliga ahayn ee ay Xuutiyiinta Yemen ku xireen.

Soomaaliya ayaa sanado badan caan ku ah weeraro argagixiso oo xiriir ah, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida.

Blinken ayaa uga mahad celiyay Guterres hoggaankiisa joogtada ah iyo dadaallada iskaashiga ah ee wax looga qabanayo caqabadahan.

6-dii Juunyo, lixda qof ee shaqaalaha xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay, oo ay ku jirtay hal dumar ah iyo shan rag ah, ayaa lala xiray toddobo kale oo ka tirsan shaqaalaha Qaramada Midoobay, sida uu sheegay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha (OHCHR).

Leave a Reply

Your email address will not be published.