Mid kamid ah dalalka Africa oo shaaciyay in dalkiisa uu ka ciribtiray cudurka Malaariyada.

Qaahir (Raxanreeb online) – Waddamo badan oo caalamka kuyaalla gaar ahaan Qaarada Afrika, waxaa dbibaato badan ku haya cudurka malaariyada kaas oo ay u dhinteen dad badan, waxaa hadda jira dalal waqti badan iyo qarashba galiyay sidii ay cudurkaasi ula diriri lahaayeen.

Sidoo kale, Dowladda Masar ayaa 100 sano kaddib ku dhawaaqday inay ka xorowday duumada ama Malaariyada ay dalkeed ka cirib-tirtay, waxa ayna dowladda Masar shaacisay in ay ku guuleesteen dedaalo ay kula dagaallamayeen cudurkaasi.

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Masar waxa ay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO u xaqiijisay in duumada ay ka cirib-tirtay dalkeda kaddib dadaal dheer, waxa ayna dowladda sheegtay in meesha ka baxday cabsi dambo oo laga qabo cudurkaasi.

Dhanka kale, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caafimaadka dadwaynaha, ayaa dhankeeda ku tilmaantay mid taariikhi in dowladda Masar ay soo afjartay cudurka duumada, waxa ayna Masar ku amaaneen in dadaalkoodii uu guul kusoo dhammaaday.

Sikastaba, Cudurka Malaariyada ayaa dhibaato badan ku haya dalal badan oo kuyaalla Qaarada Afrika, waxaana la sheegaa in cudurkan sannad kasta dalal Afrika kuyaalla ugu dhintaan dad gaaraya 600,000 oo qof, halka dadka uu soo ritana intaasi ka badan yihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.