Puntland oo DF ku eedeysan in aan lagu aaminin karin xogta howlgalka ciribtirka argagixisda

Garoowe (Raxanreeb online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta d Puntland ayay lagu cadeeyay in maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lagu aamini karin xogta ku saabsan hawlgalka ciribtirka kooxaha argagixisada, maadaama DFS ay ka tirsan yihiin qaar kamid ah hoggaamiyaashii Al-shabaab.

Sidoo kale, Puntland ayaa saaxiibada caalamiga ah ka dalbatay in ay ka caawiyaan hawlgalka lagu baabi’inayo argagixisada Daacish, kaasi oo ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaasi oo ciidamada difaaca Puntland ku guulaysteen in ay burburiyaan inta badan godadkii ay ku dhuumanayeen kooxahaasi.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta Puntland ayay Saaxiibada Beesha Caalamka kaga dalbatay in ay ciidamada difaaca Puntland ka taageeraan dhinacyada duqaymaha cirka, rasaasta iyo saadka lama huraanka u ah ciribtirka mileeshiyaadka argagixisada ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.