Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan gaar ah laqaatay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee Africa.

New York (Raxanreeb online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa  magaalada New York ee dalka Mareykanka kulan kula yeeshay, Molly Phee, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Afrika.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  iyo Kaaliyaha Mareykanka ee Arrimaha Afrika ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada waddan, sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka argagixisada, amniga gobolka Geeska Afrika.

Dhanka kale, Xamse Barre iyo Molly Phee kawada hadleen qaabka ay labada waddan ee Soomaaliya iyo Mareykanka ay iskula shaqeyn lahaayeen Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo Soomaaliya ay xubinnimadeeda qaadan doonto sannadka cusub.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo ku sugan xarunta Qaramada Midoobay ee New Yourk ayaa kulamo kula  qaadanaya madax kala gedisan, waxa uuna kala hadlayaa xaalada Soomaaliya iyo sidii dowladda taageero dheeraad ah u heli laheyd.

Leave a Reply

Your email address will not be published.