Addis Ababa (Raxanreeb online) – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa maanta magacaabay wasiirro cusub oo ay ka mid yihiin Wasaaraddaha Arrimaha Dibadda, Wasaaradda Cadaaladda, iyo Wasaaradda Dalxiiska.
![](https://www.ena.et/documents/42142/0/ged+%282%29.jpg/3962cb8d-0ae8-dca9-75e1-bdd3c35127a2?version=1.0&t=1729252928943&download=true)
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ku shaaciyay in Gedion Timothewos loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya.
Sidoo kale, Guddoomiyihii hore ee Komishanka Maal-gashiga Itoobiya (EIC), Hanna Araya-Selassie ayaa loo magacaabay Wasiirka Caddaaladda, iyadoo beddelaysa Gedion Timothewos.
Leave a Reply