Riyadh (Raxanreeb online) – Wasiirka Tamarta dowladda Sacuudi Carabi, Amiir Cabdulcasiis bin Salmaan ayaa sheegay Isniintii shalay in boqortooyada Sacuudiga qorsheyneyso in ay lacag ka sameyso dhammaan macdanaha kala duwan, oo ay ku jirto iibinta uranium-ka.
Sidoo kale, maadanta uranium-ka ayaa u baahan in si taxaddar leh loo maareeyo inkasta oo ay khatar yar oo shucaac ah leedahay, macdanta uranium-ka.
Dhanka kale, Sacuudi ayaa waxay leedahay barnaamij Nukliyeer oo soo koraya oo ay doonayso inay ballaariso si ay ugu dambayn ugu darto hodminta uranium-ka, taas oo ah arrin xasaasi ah marka loo eego doorka ay ku leedahay hubka Nukliyeerka.
Wasiirka Tamarta Sacuudiga oo ka qeybgalay shir ka dhacay Dhahran, ayaa yiri “Waan bacramin doonaa, waana iibin doonaa, waxaana samayn doonnaa doolshada huruudka ah” waliba, isagoo tixraacaya budada laga sameeyo macdantaas oo loo isticmaalo in lagu diyaariyo shidaalka uranium-ka ee warshadaha Nukliyeerka.
Riyadh ayaa sheegtay inay doonayso inay isticmaasho tamarta Nukliyeerka si ay u kala duwdo tamarta ay isticmaasho.
Lama oga halka ay ku dhammaan doonaan himilooyinka Nukliyeerka ee Sacuudiga, maadaama Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed bin Salmaan uu sheegay 2018 in boqortooyadu ay samayn doonto hub Nukliyeer haddii Iran oo ay gobolka ku xafiiltamaan ay sidaas samayso.
Sikastaba, Imaaraadka Carabta, oo ay ka wada tirsan yihiin Khaliijk,a ayaa ah dalkii ugu horreeyey ee Carab ah ee yeesha warshad tamarta Nukliyeerka ah. Imaaraadku wuxuu ballan-qaaday inuusan bacramin doonin uranium-ka, oo uusan dib u farsamayn doonin shidaalka la isticmaalay.
Leave a Reply