Shir ay isugu yimaadeen 87 dal oo Soomaaliya kujirto oo looga wadahdalya sidii looga hortagi lahaa qatarta ISIS.

Washington (Raxanreeb online) – Xoghayaha Arrimaha Dibadda dowladda Mareykanka Antony Blinken, ayaa guddoomiyay shirka Wasiirrada Isbahaysiga Caalamiga ah ee la-dagaalanka kooxda khilaafada Islaamka ee ISIS, shirkan ayaana ka dhacay magaalada Washington DC ee caasimadda dalka Mareykanka.

Sidoo kale, Shirkan waxaa isugu yimid wasiiro matalayay 87 waddan oo isbaheysi ku ah la dagaallanka kooxda ISIS ama Daacish, waxa ayna wasiiradan shirka diirada ku saareen sidii looga hortagi lahaa khatarta kooxdaasi iyo in mar kale dib u bilaabaan dhibaatadii ay dadka ku hayeen.

Dhanka kale, shirka oo uu Soomaaliya uga ka qeybgalay kuna mattelayay Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Cali Cumar Balcad ayaa looga hadlay sidii looga hortagi lahaa kooxaha argagixisada ay kow ka tahay kooxda ISIS oo ka howlgasha dalal Soomaaliya ku jirto.

Gebogabadii shirka ayaa wasiiradda isbahaysigan oo ka kooban 87 waddan waxa ay go’aan ku gaareen in la sii xoojiyo hawlaha caalamiga ah ee ka hortagga argagixisada, sidoo kale dalalka shiray iska caawiyaan sidii meesha looga saari lahaa khatarta kooxda ISIS.

Ugudambeyn, Kooxda ISIS oo hadda la wiiqay awoodii ay meelo badan oo caalamka kamid ah ku laheyd, ayaa wali ka howlgasha gudaha Soomaaliya, waxa ayna kooxdan fulisaa mararka qaar weeraro, iyaga oo sidoo kale dilal u geesataa dad kalana duwan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.