Soomaaliya oo walaac ka muujisay hub la sheegay in laga keenay Itoobiya.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay shixnado hub ah oo si sharci darro ah lagu soo geliyo gobolka Geeska Afrika oo la sheegay in ay ka timid dalka ay deriska yihiin ee Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku tilmaamay hub la sheegay in uu khatar ku yahay ammaanka Soomaaliya.

Wuxuu ku booriyay Itoobiya inay ixtiraamto heshiisyada, wuxuuna sidoo kale bogaadiyay dadaallada dhexdhexaadinta ee Turkiga ee labada dal ee deriska ah.

War qoraal ah oo hore oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Itoobiya ay shixnado hub ah oo aan la ogolayn u dirtay maamul goboleedka Puntland, oo ah maamul-goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya.

Waxa ay sheegtay in caddaymo la helay ay xaqiijinayaan imaatinka laba baabuur oo hub ka soo qaaday Itoobiya una socday Puntland, kuwaas oo aan la samayn wax xidhiidh diblomaasiyadeed ama fasax ah.

Waxa ay sheegtay in falkaasi uu ka dhigan yahay xad gudub weyn oo lagu sameeyay madax banaanida Soomaaliya, islamarkaana ay saameyn weyn ku leedahay amniga dalka iyo kan gobolka.

Xiisada u dhaxaysa labada dal ee ku saabsan heshiiska dhinaca badda ee Itoobiya ay la gashay maamulka la baxay Somaliland ayaa wali taagan.

Si kastaba ha ahaatee, Turkiga ayaa dadaal ugu jiray sidii loo dhameyn lahaa xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Qaramada Midoobay ayaa ammaantay dadaalka Turkiga ee lagu xallinayo xiisadda, oo ay ku jiraan wadahadalo uu martigeliyay Turkiga bilihii Luulyo iyo Agoosto.

Leave a Reply

Your email address will not be published.