Taliyaha ciidanka Boliiska Asad Diyaano oo booqasho ugu tagay ciidan loo tababarayo ka qeyb noqoshada amaanka Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb online) – Ciidamo cusub oo kamid noqonaya boliiska Soomaaliya, ayaa tababar waxa uu uga socdaa xerada ciidanka Birmadka ee boliiska Soomaaliya oo kutaalla magaalada Muqdisho, waxaana ciidankan loo diyaarinayaa xoojinta amniga caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano), ayaa kormeer ugu tagay ciidankan tababarka u socdo, waxa uuna warbixin ka dhageestay saraakiisha ciidankan hoggaamisa iyo kuwa tababarka siinaya.

Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano) ayaa sheegay in ciidamadan cusub ee tababarka u socdo ay qeyb ka noqonayaan xoojinta amniga dalka ,isagoona kula dardaarmay in si wannagsan uga faa’ideystaan tababarka u socda .

Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa diyaarineysa ciidamo badan oo isugu jira boliis, milatari iyo nabbadsugid, kuwaa oo la doonayo in qeyb weyn ka noqdaan xaqiijinta amniga guud ee dalka, iyo sidii ay dagaal ula gali lahaayeen kooxda Al-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.