Trump oo ku dhawaaqay in ay ka go’antahay in Canada uu ka dhigo gobol kamid ah Mareykanka

New York (Raxanreeb online) – Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa caddeeyay sida ay uga go’antahay Canada inuu ka dhigo gobol ka tirsan Mareykanka, intii uu ku guda jiray shir jaraa’id uu ku qabtay goobtiisa dalxiiska ee Mar-a-Lago oo ka tirsan Florida .

Sidoo kale, Trump waxaa la waydiiyay inuu awood militari u adeegsan doono si Canada ay u noqoto gobol ka tirsan Mareykanka, si ka duwan hab militari wuxuu sheegay inuu u adeegsan doono Canada ‘awood dhaqaale’, oo la macno inuu gelin doono xaalad dhaqaale oo ku khasbaysa inay Mareykanka ku biiraan.

Dhanka kale, Hadalkan waxaa dhaqso uga jawaabay Ra’iisul wasaaraha xilka iska casilay ee Canada, Justin Trudeau oo sheegay inaysan jirin fursad ay Canada uga mid noqon doonto Mareykanka.

Madaxweyne Donald Trump arrinta Canada, wuxuu ku wadaa inuu dhab u beddelo, laakin tani wali waa ‘waxyaabaha layaabka leh ‘ ee ku eg afka Trump.

Dhinaca kale , Donald Trump wuxuu doonaya muddo xileedkiisa inuu Mareykanka ku hoggaamiyo sidii uu u qabsan lahaa dhul badan , kaddib markii uu sheegay inuu doonayo gacanta Mexico inuu u beddelo gacanta Mareykanka .

Hadalkan oo ay ka horreysay inuu sheegay inuu doonayo qabsashada kanaalka Panama iyo jasiiradda Greenland, xitaa haddii laga maarmi waayo inuu adeegsan doono awood ciidan.

Trump hadalkiisa wuxuu yimid, xilli shalay wiilka Trump uu ku tagay diyaaradda gaarka ee Trump jasiirada Greenland ee hoostagta dalka Denmark, halkaa oo ay dadkii soo dhaweeyay xirnaayeen koofiyada uu ololaha doorashada ku galay Trump.

Leave a Reply

Your email address will not be published.