Wafdi ka kala socda beesha Abgaal iyo DF oo ku sii jeeda Beledweyne.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Waxaa maanta magaalada Beledweyne u baxaya wafdi culus oo ka kala socda beesha Abgaal iyo dowladda federaalka, kuwaas oo ka tagaya Muqdisho, si xal loogu helo xiisadda u dhaxeysa beelaha Abgaal iyio Xawaadle.

Xiisaddan ayaa ka dhalatay kadib markii 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, ay maleeshiyaad hubeysan jidka u galeen, kuna dileen deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Askarta la dilay ayaa ka soo jeeday beesha Xawaadle, waxaana dilka lagu tuhmayaa maleeshiyo Abgaal ah.

Mid ka mid ah wafdiga ayaa waxaa hoggaaminaya Imaamka Mudulood oo ay wehliyaan dhaqanka beesha Abgaal. Wafdiga labaad ayaa ah xildhibaannada reer Hiiraan.

Sida aan xog ku helnay, wafdigan ayaa waxaa diray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna la kulmi doonaan dhaqanka Xawaadle iyo Ugaas Yuusuf.

Sidoo kale, taliyaha hay’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa u safraya deegaanka Maxaas, waxaana uu la kulmi doonaa dhaqanka beesha Cali Madaxweyne oo ay kasoo jeedaan askartii la dilay.

Waxaa socda dadaallo xooggan oo looga hortagayo in dilka askartaas uu isku rogo colaad faraha ka baxda oo ay isku ugaarsadaan labada beel.

Leave a Reply

Your email address will not be published.