Kismaayo (Raxanreeb online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada, ayaa waxaa haatan lasoo warinayaa in uu ka bilowday abaabul dagaal oo ka dhan DF, kaddib markii DF deegaanka Raskambooni ee gobolka Jubbada Hoose maalmihii lasoo dhaafay kusii daabuleysay ciidamo fara-badan.
Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in Axmed Madoobe uu xabsi guri ka dhigay taliyihii ugu sareeyey ciidanka Birjeex ee Jubbaland.
Sidoo kale, waxaa hadda lasoo warinayaa in ciidanka Jubbaland ee uu hoggaaminayo Abaanduulihii Ciidanka Birjeex, uu wado abaabul dagaal oo ka dhan ah DF.
Dhanka kale, tallaabooyinka uu Axmed Madoobe qaaday saacadihii lasoo dhaafay waxaa ka mid ah in kumanaan ciidamo ah uu ka diray magaalooyinka Kismaayo, Janaa-Cabdalla ilaa Buuloxaaji, kuwaas oo ku sii jeeda magaalo xeebeedka Kudhaa.
Axmed Madoobe ayaa lafilayaa, in maalamaha soo socda uu dagaal ka dhan ah ciidanka xoogga dalka ka abaabulo deegaanka Kudhaa.
Leave a Reply