Xasan Sheekh oo Ankara kula kulmaya Abiy Axmed

Muqdisho (Raxanreeb online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo wajahaya cadaadis xooggan oo ka imanaya mucaaradka gudaha iyo khatar sii kordheysa oo ku saabsan qalalaase rayid ah oo ka dhalan kara Jubbaland, ayaa la filayaa inuu safar degdeg ah oo aan qorsheysneyn ku aado Ankara, Turkiga, Talaadada, sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in safarka uu ku jiri doono kulan fool ka fool ah oo dhex mari doona Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, iyada oo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu dhex-dhexaadinayo.

Erdogan, oo xiriir dhow la leh Addis Ababa iyo Muqdisho, ayaa la sheegayaa inuu ka shaqeynayo sidii uu u fududeyn lahaa xalinta xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

Xiriirka cakirmay ee labada dal ayaa ka dhashay heshiiska muranka dhaliyay ee Ethiopia ay la gashay Somaliland 1-dii Janaayo 2024, kaas oo Soomaaliya si xoog leh uga soo horjeesatay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u diiday in wadahadal la galo Itoobiya, isaga oo sanadkan hore masaafuriyay diblomaasiyiinta Itoobiyaanka ee Muqdisho, si uu uga horyimaado heshiiskaas.

Hasa yeeshee, go’aanka Madaxweyne Xasan Sheekh ee ah inuu la kulmo Abiy Ahmed wuxuu muujinayaa isbeddel weyn oo ku yimid mowqifkiisii hore.

Iyadoo xiisadda Itoobiya ay sii xumaaneyso, Soomaaliya ayaa taageero ka raadsatay Masar, taas oo sababtay in Qaahira ay Muqdisho u dirto hub bilihii la soo dhaafay.

Xiisadda ka Taagan Jubbaland

Kulanka Ankara ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay la tacaaleyso qalalaase siyaasadeed oo gudaha ah.

Maamulka Jubbaland ayaa dhowaan hakiyay xiriirkii iyo wada shaqeyntii uu la lahaa dowladda federaalka, taas oo ka dhigaysa maamulkii labaad oo xiriirka u jara Muqdisho, kaddib muran ka dhashay doorashooyinka deegaanka.

Xiriirka u dhexeeya Jubbaland iyo dowladda federaalka ayaa sii xumaaday markii Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) dib loogu doortay madaxweynaha Jubbaland muddo saddexaad ah, taas oo ay dowladda federaalka diiday, iyada oo sheegtay in aan doorashadu dhicin iyada oo lala tashaday dowladda dhexe.

Jubbaland oo loo yaqaan “dhulka wax soo saarka Soomaaliya” ayaa muhiimad istaraatiiji ah leh, maadaama uu ku yaallo dekedda muhiimka ah ee Kismaayo iyo agagaarka xadka biyaha ee muranka badan ka taagan yahay, kaas oo Soomaaliya iyo Kenya ay isku hayaan.

Jubbaland ayaa sidoo kale soo rogtay amar ay ku doonayso in la xiro Madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo eedeymo kale.

Xiisadda ayaa isu beddeshay isku dhac hubeysan, waxaana toddobaadkii hore dagaallo ka dhaceen Raaskaambooni oo ku taalla xadka Kenya.

Ciidamada dowladda federaalka oo ay tababareen Turkiga, Gorgor iyo Haramcad, ayaa halkaas la geeyay si ay u xakameeyaan ciidamada Jubbaland ee taageersan Axmed Madoobe.

Jubbaland ayaa sheegtay inay ciidamadeeda kusii siqayaan fadhiisimada ciidamada federaalka oo ah kuwii laga keenay Muqdisho.

Raaskaambooni ayaa haatan xayiraad lagu soo rogay, iyadoo duulimaadyadii iyo gaadiidkii dhulka laga xayiray, taas oo sare u qaadday cabsi ah in rabshaduhu ku faaftaan gudaha Kenya.

Somaliland Iyo Itoobiya Oo Xiriirkooda Xoojinaya

Dhinaca kale, Somaliland ayaa dhowaan qabatay doorasho madaxweyne oo nabdoon, iyadoo musharaxa mucaaradka Cabdiraxmaan Cirro uu ku guuleystay.

Caleemasaarkiisa ayaa lagu wadaa inuu dhaco toddobaadkan. Somaliland iyo Itoobiya ayaa la filayaa inay dib u eegaan heshiiska MoU-ga, iyaga oo sii xoojinaya xiriirkooda.

Xaaladaha Jubbaland iyo Somaliland ayaa muujinaya xaaladaha murugsan iyo isbedbedelka siyaasadeed ee ka jira Geeska Afrika, xilli Soomaaliya ay u halgamayso xalinta khilaafaadka gudaha iyo muranada dibadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.