Muqdisho (Raxanreeb online) – Xildhibaanno katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay ku eedeeyeen xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo kan Xukuumadda in shirqoolo iyo abaabul ka wadaan xadka Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahana xadka Jubbaland la leedahay Kenya.
Sidoo kale, Qoraalka xildhibaannada waxa ay ku sheegeen in dowladda Federaalka abaabuleyso shaqsiyaad horey uga tirsanaa Jubbaland iyo maleeshiyaad loogu tala galay in falal amni darro ka abuuraan xadka Jubbaland la wadaagto Kenya , ayna galaan gudaha dalka Kenya.
Dhanka kale, Xildhibaannadan ayaa uga baaqay dowladda Federaalka in falalkaasi iyo abaabulka ay wadaan joojiyaan, waxa ay sidoo kale ugu baaqeen in ay dib usoo celiyaan shaqsiyada iyo maleeshiyaad iyo hub ay geeyeen xadka Soomaaliya iyo Kenya.
Leave a Reply