5 ruux oo isku qoys ah oo ku dhintay dab ka kacay magaalada Hargeysa

Hargeysa ( Raxanreeb Online) Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dhacdo naxdin leh oo ka dhacday magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, taasi oo ah in 5 ruux oo isku qoys ah ay ku geeriyoodeen dab ka kacay gurigooda.

Dadka geeriyoodey ayaa kala ahaa Hooyo, Walaasheed, iyo sadex Caruur ah oo ay hooyadu dhashay kuwaasi oo jirey da’da 12-jir, 7-jir, iyo 5-jir, isla markaana dhamaantood Gabdho ahaa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dabka uu ka dhashay koronto ka kacay guriga, taasi oo sababtay in dabka uu qabsado guriga oo idil.

Kooxda dab damiska ee dowladda hoose ee magaalada Hargeysa, ayaa gurmad ay sameyeen ku guuleystay in ay damiyaan dabka, waxaana goobta markii dambe gaaray mas’uuliyiin katirsan maamulka magaalada Hargeysa.

Soomaaliya ayaa xiligaan waxaa ka jira dabeelo xooggan, iyada oo digniin laga soo saaray waxyaabaha dhallin kara daba, sida Korontada, Gaaska wax lagu karsado iyo dabka madaama dabeyluhu ay sii hurinayaan haddii uu dabka kaco.

Leave a Reply

Your email address will not be published.