Ciidamada Itoobiya oo la wareegay garoomo diyaaradeed oo ku yaalla gobolka Gedo.

Gedo (Raxanreeb online) – Ciidamada Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in ay la wareegeen garoomo muhiim ah oo ku yaalla gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya sida Luuq, Doolow iyo Baardheere, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay qorsheyneyso in ciidamo ka socda Masaarida la geeyo deegaanada dhaca xadka Soomaaliya.

Dhaqdhaqaaqa ciidamada Itoobiya ayaa sare u qaaday xiisada ka taagan gobolka gaar ahaan ciidamo beeleedyo deegaanka ah oo is abaabulaya si ay uga hortagaan ciidamada Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya ayaa la filayaa in ay ka baxaan Soomaaliya marka la gaaro December 2024 marka uu dhamaado howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Midowga Afrika, Soomaaliya, iyo Qaramada Midoobay ayaa hadda qorsheynaya hawlgal cusub oo nabad ilaalineed oo Midowga Afrika uu hoggaaminayo si ay u baddalaan ATMIS. Soomaaliya ayaa tilmaantay in Itoobiya aan lagu soo darin howlgalka cusub, taas bedelkeedana ay doorbideyso in ciidamada Masar ay ku lug yeeshaan.

Si kastaba ha ahaatee, xiisada u dhaxaysa Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa sii xumaatay ka dib markii Itoobiya oo aan bad lahayn ay bishii January heshiis la gashay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, kaas oo ku saabsanaa gelitaanka badda iyo suurtogalnimada in xeebta laga dhigo saldhig ciidan.

Soomaaliya waxay u aragtay Somaliland qayb ka mid ah dhulkeeda, waxayna heshiiskaas ku tilmaantay fal gardaro ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.