Musharax madaxweyne Afrikaan ah oo 7 sano xabsi lagu xukumay.

Nairobi (Raxanreeb online) – Mohammed Abduba Dida, oo hore ugu tartamay madaxweynenimada dalka Kenya, ayaa xabsi ku dhameysanaya 7 sano oo uu ku jiro gobolka Illinois, dalka  Mareykanka.

Waxaa lagu helay dambi ah inuu ku “raad joogay qof, uuna hanjabaad u diray”.

Waxaa loo badinayaa inuu ahaa qof xiriir kala dhexeeyay.

Dida, oo 49 jir ah iyo macalin hore oo caan ku ah aragtidiisa dhiiranaanta leh, ayaa lagu xiray Xabsiga Big Muddy tan iyo 18-kii Nofeembar 2022.

Dacwadda waxaa ka timid dhacdooyin ka dhacay Degmada Mclean ee gobolka Illinois, halkaas oo lagu helay dambi ah inuu daba-dhigtay dhibbanaha, inkastoo dhowr jeer looga digay inuu joojiyo. Sidoo kale waxaa lagu heley inuu cabsi gelin ku sameeyay dhibbanaha.

Lama shaacin magaca iyo aqoonsiga dhibbanaha.

Kiiska oo la dhageystay sannadkii 2021, wuxuu ku muteystay xukun laba sano ah oo ah daba-dhigasho, iyadoo ku xadgudubka digniinta iyo hanjabaadda uu ku muteystay shan sano oo kale.

Raad-jooggu ama daba dhigashadu waa nooc ka mid ah dhibaataynta joogto ah iyo la xiriiridda isdaba joog ah qof aan raali laga ahayn uu la sameeyo qof kale, iyadoo ujeedkiisu yahay in laga dhaliyo cabsi ama welwel.

Dida, oo laba jeer isku soo taagay madaxweynenimada Kenya sannadihii 2013 iyo 2017, ayaa la filayaa in la sii daayo 3-da Abriil, 2029 markaas oo uu dhameysan doono xabsiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.