Xasan Sheekh”Hub in laga ganacsado waa sharci darro dowladda waa kula dagaalami doontaa, gurigaaga ayaa saq dhexe laguugu soo dhici doonaa, yaan lagu sirmin arrintaas”

Muqdisho (Raxanreeb online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa digniin adag kasoo saaray hubka sharcidarada ah ee lagu heysto magaalada Muqdisho, waxa uuna caddeeyay in lala dagaallami doono dadka guryaha ku heesta hubka.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaana sheegay in la hirgalinayo sharciga la-dagaalanka hubka sharcidarada ah, waxa uuna xusay in mamnuuc tahay in hubka laga ganacsado , sidoo kale si sharcidarro ah hubkaasi loogu heesto guryayha iyo goobaha kale.

“Hub in laga ganacsado waa sharci darro cid laga yeelayo ma jirto, waxaad rabto ahaaw, yaan lagu keydin gurigaaga, dowladda waa kula dagaalami doontaa, gurigaaga ayaa saq dhexe laguugu soo dhici doonaa, yaan lagu sirmin arrintaas,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Dhanka kale, Waxa uu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh in waaran maxkamadeed usoo jaran doonaan ciidamada ammaanka gurigii lagu ogaado in hub sharcidaro ah yaallo, waxa uuna xusay in ciidamada ciddii kahor timaada ay fasax u heestaan in ay iska celiyaan.

”Ciidamada amniga  waaran ayey u soo jaran doonaan gurigii ay ogaadaan in hub lagu keydiyo, kadibna ay saq dhexe u daada doonaan, ciddii ciidamada kahor timaado waaa la iska dhicin doonaan .sharaf malihid haddii gurigaaga hub sharcidarro ah lagu keydiyo, waana iska kaa qabaneynaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sikastaba, hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli shalay Muqdisho laamaha amniga kusoo bandhigeen hub badan oo sifo sharcidarro ah magaalada loogu iibinayay, waxaa sidoo kale digniin adag loo diray dadka guryaha ku heesta hubka sharcidarada ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.