Dagaal khasaare badan geystay oo xalay ka dhacay magaalada Boosaaso.

Bosaaso (Raxanreeb online) – Dagaal ayaa xalay mar kale ka dhacay Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari kaasoo geystay khasaare nafeed iyo burbur hantiyeed oo gaadiid dadweyne u badan.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu dhexmaray ciidamo ka tirsan PSF iyo kuwa PMPF ee Maamulka Puntland waxayna dhacdadani ka dhacday agagaarka Hotel Huruuse meel aan ka fogeyn goobaha lagu iibiyo Cabitaanka sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Dhanka kale, israsaasayn wakhti kooban socotay ayaa hakad gelisay ganacsigii goobta, waxaana ka dhashay isku dhaca gaadiidkii wadada adeegsanayey maadama xiliga ay is rasaasayntu bilaabatay isu socodka dadka iyo gaadiidkuba si caadi ah ku socdeen.

Ciidamada PSF iyo PMPF waa ciidamo kawada tirsan Puntland hadana waxa muuqata in xurgufta dhexdooda taala sii xoogaysanayso, 24-kii saac ee ugu dambeeyeyna waa isku dhacoodii labaad oo galaaftay nolosha askari katirsan ciidamada PSF.

Leave a Reply

Your email address will not be published.