Nairobi (Raxanreeb ) Magaaalada Nairobi ee dalka Kenya maanta oo Axad ah waxaa ka dhacay kulan ay wada- qaateen madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo xildhibaano mucaarad ah.
Labada dhinac ayaa lagu soo waramayaa in ay ka wada- hadleen arrimaha dalka si gaar ah doorashooyinka 2026 iyo muranka sii jiitamaya ee Villa Somalia , Puntland iyo Jubbaland kaas oo aan wax xal ah laga gaarin.
Sidoo kale wararka Raxanreeb uu ka ka helayo magaalada Nairobi ayaa sheegaya in halkaas ay isku arki doonaa madaxwaynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland Saciid DENI iyo Axmed Madoobe si ay u dhisaan isbahaysi siyaasadeed.
Labada hoggaamiye ayaa lagu soo waramayaa in go’aan ay ka gaari doonaan maalmaha soo socda khilaafkooda oo sal u ah magacaabistii Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Bare waxaana ka horeeyay kulan Imaaradka uu marti- galiyay oo labada dhinac ay isku arkeen
Hanad Ali Guled
Raxanreeb
Leave a Reply