Muqdisho (KAAB TV) – Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Khaatumo iyo kuwa maamulka Somaliland, ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday deegaannada Qorilugud iyo Shangeed, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimaho iyo dhaawac.
Sidoo kale, War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in ay ugu baaqayaan beelaha ku dagaallamaya Qorilugud iyo Shangeed in ay xabbada joojiyaan kana shaqeeyaan sidii xal nabadeed loo gaari lahaa.
Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sidoo kale ugu baaqday odayaasha dhaqanka, culumaa’udiinka iyo haweenka labada dhinac in ay u istaagaan sidii loo joojin lahaa dhiigga micnodarada ku daadanaya loogana shaqeyn lahaa nabbadda.
Ugudambeyn, baaqan kasoo baxay dowladda Soomaaliya, ayaa kusoo aadaya xilli maamulka Somaliland ku eedeysay dowladda Federaalka Soomaaliya in iyagu soo abaabuleen weerar ay sheegeen in ay kaga yimaadeen dhinaca maamulka Khaatumo.
Leave a Reply